Xarunta Madaxtooyada Somalia waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Kulanka ayaa yimid ka dib markii Madaale looga yeeray Villa Somalia si uu kulan gaar ula qaato Madaxweynaha dalka.
Warar markii hore soo baxay ayaa sheegayey in Madaale loogu yeeray in lagu wargeliyo xil ka qaadis lagu sameynayo taasoo noqotay arin aana jirin.
Madaale oo mudooyinkan dareemayey iney ku soo socoto xil ka qaadis ayaa shaqsiyaad xilal haya iyo ergooyin kale u adeegsanayey iney Madaxtooyada cadaadis ku saaraan inaan xilka laga qaadin.
Xassan Shiikh oo arrintaas dhibsaday ayaa la sheegay inuu Madaale ka dalbaday joojinta ergooyinka iyo siyaasiyiinta uu u soo adeegsanayo Villa Somalia aysana jirin xil ka qaadis hadda miiska saaran.
“Markii aan xilka kuu magacaabayey ma jirin qof adiga ii kaa keenay ee anigaa toos kuugu doortay, hadda shaqadaada sii wado markay ila noqoto in lagu bedelo anigaa kuu yeeraya” ayuu Xassan ku yiri Madaale sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Inkastoo ay taasi jirto haddana waxaa jira warar sheegaya in Villa Somalia ay ka wado qorshe isbedel loogu sameynayo Maamulka gobolka Banaadir kaasoo ay gadaal ka riixayaan Senator Muuse Suudi oo wata Axmed Mayre Makaraan iyo ganacsato ku dhow Madaxweynaha oo iyana doonaya in xilkaas loo magacaabo nin lagu magacaabo Maxamed Amiir oo ah qurbo joog reer UK ah.