Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo shaaciyay ahmiyadda ee bulshada u leedahay Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caddaaladdu ay laf-dhabar u tahay nolosha bulshada, haddii aan si wadajir ah looga shaqeynna aan la gaari karin wax horumar ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la helo xeerar iyo sharciyo dhammeystiran oo hagaya hannaanka caddaaladda dalka, si ay bulshadu u helaan garsoor loo wada siman yahay.

“Caddaaladdu nolosha waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, amni ahaan iyo hoggaan ahaan intaba, waa arrin muhiim ah, waxa ayna la xiriirtaa xuquuqda iyo runta oo la caddeeyo, iyada oo aan dadka loo kala sarrey siineyn midab, qabiil iyo awood midna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uga mahadceliyey Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka ka shaqeynta istaraatiijiyadda Qaran, ayaa kula dardaarmay bahda garsoorka dalka in ay si siman ugu adeeggaan dadka Soomaaliyeed, isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara eex iyo ku takrifal awooddeed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Carbeed oo ku gacan seyrtay iney xiriir la sameysato Yuhuuda

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in dhulka Falastiin la geeyo ciidamo hubeysan oo….

Cabdi Cade

Dowlad Afrikan ah oo xabsi iyo ganaax ku rideysa raga timaha u dabta sida Dumarka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---