Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Jubbaland oo duqeeyay diyaarado ka degayay Raaskanbooni

War kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa lagu sheegay in galabta qoryaha lidka diyaaradaha ku weerareen diyaarad la sheegay in ay shixnad iyo saanad u waday ciidanka dowladda Soomaaliya geysay deegaanka Raaskanbooni.

Sida lagu baahiyay Tv-ga maamulka Jubbaland diyaarada la duqeeyay ayaa la sheegay in ay kasoo dagtay dhinaca jihada xadka Kenya la wadaagto  deegaanka Raaskanbooni , waxaa warka intaa ku daray in diyaarada si dirqi ah ku baxsatay markii dambe ay duulaysay.

”Diyaarada ayaa jihadii ay ka degi jirtey ka carartey kana soo degtey dhanka xuduuda Kenya, ayadoo markii ay ka duulaysay garoonka diyaaradaha Raaskambooni faro caaradood kaga fakatey rasaasta ciidamada Jubbaland ku ridayeen” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay Tv-ga Jubbaland.

Ciidamada maamulka Jubbaland , ayaa la sheegay in fariisimo ka sameesteen meel aan ka fogeyn deegaanka Raaskanbooni, waxa ayna ciidankan isku dayayaan in ay kahor tagaan diyaaradaha halkaasi kasoo dega , sidoo kale qorsheenayaan in duullaan ku qaadaan ciidanka dowladda halkaasi geysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Xildhibaan Yuusuf Cabdi Maxamuud oo si weyn loo taageeray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Masuuliyiin kale oo gaaray magaalada Baydhabo

Cabdi Cade

Somaliland oo ka hadashay Warka sheegaya in Itoobiya ka baxday Heshiiskii Dekadda Berbera

Cabdi Cade
Taboola Ads ---