Allbanaadir.com
NEWS

Burcad badeed Markab ka afduubtay xeebaha Somalia

Koox burcad badeed kuna sugan xeebaha Puntalnd, ayaa gacanta ku dhigay markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, sida ay sheegeen ciidamada Midowga Yurub qaybta la dagaalanka burcad badeedda.

Ciidamadan ka hortagga burcad badeedda, ayaa sheegay, in markabka oo ay saarnaayeen shaqaale gaaraya ilaa 18, ay la wareegeen burcadda, kuwaasoo qaarkood ku hubeysanaa qoriga AK-47 iyo qoryo kale.

Waxay dhacdadaas ku tilmaameen dhac ka dhacay badda.Waxay intaas ku dareen, inuusan jirin mid kamid ah shaqaalihii markabka oo uu dhaawac soo gaaray.

Weeraro ay gaysteen koox burcad baddeed ah ayaa ka dhacay xeebaha Soomaaliya meel qiyaastii 380 nuatical mayl bari kaga beegan magaalada Muqdisho dhammaadka bishii May ee sanadkan.

Related posts

Gantaalo iyo warshad hub ay lahaayeen Daacish oo lala wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dabar siyaasadeed la damacsan Sheekh Shariif !!

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Masjid Cali Gaduud iyo cidda gacanta ku heysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---