Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka Siiriya oo kaabiga ku haya magaalada Homs

Qiyaastii 20,000 oo ka tirsan ciidanka mucaaradka Suuriya ayaa ku sugan albaabka magaalada Xumus ee dalka siiroiya kuwaasoo isku diyaarinaya sidii ay u gaari lahaayeen bartamaha magaalada, sida ay ku warrantay Al Jazeera.

Xumus waxay 160-Km woqooyiga kaga beegan tahay magaalada caasimada ah ee Dimishiq, iyadoo xoogaga mucaaradka oo taageero weyn ka helaya Turkiga ay maalmihii la soo dhaafay qabsdadeen dhul balaaran oo ku yaalla woqoyiga Siiriya oo ay ku jiraan magaalooyinka Xalab, Xama iyo magalooyin kale.

Waaxda howlgallada militari ee dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya ayaa goor dhow laga sheegay inay sii wadaan ciidanka mucaaradka sidii ay ugu gudbi lahaayeen Xumus oo kaliya 5 km ay u jiraan inay gaaraan

Horumarka ay sameynayaan mucaaradka ayaa ka sarreysa qiyaas kasta oo hore, inay u jiraan kaliya 5 km bartamaha magaaladii u ahayd albaabka laga ilaaliyo Dimishiq, ayaa ka dhigaysa inay sameynayaan mucaaradka waxaan horey loo arag.

Ciidamada Siiriya ee difaacayey Asad ayaa hadda u muuqda iney kala firxadeen aysana jirin talaabo ay ku badbaadin karaan hogaamiyahooda.

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo ballanqaad u sameeyay Dadka deegaanka Baxdo (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheeko Jaceyl: Dhimashaan ka xigaan in aan Dib Kuu soo Jeclaado !! (Qeybta 1-aad)

Cabdi Cade

Labo qof oo goor dhow lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---