RW hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey talaabada Dawladda Somalia ay ku xanibtay diyaaradaha rakaabka ee ku socday gobolada dalka
Talaabadan ayaa timid ka dib markii shirkaduhu diideen inay diyaaradahooda aadaan magaalada Raskambooni, oo ay sheegeen in ay ka cabsanayaan in la soo rido.
Diidmadaas ayaa DF waxay kaga jawaabtay inay Shirkadaha diyaaradaha u diidaan inay iyana gobolada kale ee dalka u safraan si ay cadaadis ugu saaraan iney ka laabtaan go’aankooda.
KHAYRE AYAA SOO SAARAY QORAALKAN HOOSE
Waxaan si kulul u cambaareynayaa go’aanka gurracan ee Dowladda Federaalku ay maanta ku joojisay dhammaan duullimaadyadii u safri lahaa gobollada dalka, kadib markii ay diyaaraduhu halis amni ka muujiyeen in ay ciidan u daadgureeyaan deegaanka Raaskambooni.
Waxaan ka xumahay in shacab Soomaaliyeed oo isugu jira haween, carruur, iyo waayeel ay maanta dhibbanayaal u yihiin go’aankan, oo ay garoonka Aadan Cadde ku xayiran yihiin kumanaan muwaadiniin ah oo u kala safri lahaa gobollada dalka.
Socdaalku waa xuquuq lamataabtaan ah oo muwaadinku leeyahay, waxaana ayaandarro ah in la siyaasadeeyo, si diyaaradaha loogu khasbo in ay ciidanka daabulaan. Waxaan madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa ah in ay si degdeg ah uga laabtaan go’aankan gurracan, si shuruud la’aan ahna u fasaxaan diyaaradaha iyo shacabka ku xanniban garoonka caasimadda.