Dawladda Soomaaliya ayaa diiday in diyaaradaha rakaabka ay u duulaan deegaanada Koonfurta dalka oo dhan
Talaabadan ayaa timid ka dib markii shirkaduhu diideen in ay diyaaradahooda aadaan magaalada Raskambooni, oo ay sheegeen in ay ka cabsanayaan in la soo rido.
Diidmadaas ayaa DF waxay kaga jawaabtay inay Shirkadaha diyaaradaha u diidaan inay iyana gobolada kale ee dalka u safraan.
Jubbaland ayaa dhawaan sheegtay in aysan diyaaraduhu kasoo dagi karin garoonka diyaaradaha ee magaalada Raaskambooni, iyagoo digniin ku bixiyey dayuuradii isku dayda iney halkaas ka degto wixii ku yimaada masuulliyadeeda ay qaadi doonto shirkadii laheyd
Inkastoo uusan jirin qoraal arrintan la xiriira oo ka soo baxay DF haddana saaka garoonka Muqdisho, ma jirto wax diyaarad ah oo ka duushay oo aaday gobalada Koonfurta Soomaaliya, marka laga reebo labo dayuuradood oo Puntland aaday kuwaasoo mid ka mid ah ay wado meydka Senator ka tirsan aqalka sare oo Turkiga laga keenay saaka si loogu aaso degaanada uu ka soo jeedo.
Dowlada federaalka ayaa dhowaan boqolaal askari ka dejisay Raaskambooni si ay cadaadis u saaro Axmed Madoobe oo diiday qorshihii DF ee arrimaha doorashooyinka isla markaana qabsaday doorasho isaha u gaar ah.