Mareykanka ayaa diiday warbixin ay soo saartay hey’adda Xuquuqul insaanka ee Amnesty International taasoo sheegtay in ay jiraan caddeeymo dhameystiran oo ku saabsan xasuuq Israa’iil ay geysatay Falastiiniyiinta Gaza.
“Waan ku khilaafsannahay gunaanadka warbixintan, waxaanna horay u sheegnay oo aan sii wadnay inaan ogaanno eedeymaha la xiriira xasuuqa inay yihiin kuwo aan sal lahayn,” ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel oo saxaafadda la hadlay.
Afhayeenkaasi waxa uu qiray doorka muhiimka ah ee NGO-yada iyo ururada xuquuqul insaanka sida Amnesty International laakiin wuxuu ku tilmaamay natiijooyinka ay heleen ee dhinaca xasuuqa Gaza inay yihiin kuwa aan sax aheyn.
Amnesty oo fadhigeedu yahay London ayaa Khamiistii sheegtay in ay heshay caddeymo ku filan oo sheegaya in Israa’iil ay geysatay oo ay sii waddo xasuuqa ka dhan ah Falastiiniyiinta Gaza.
Bishii la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah bini’aadanimada oo ka dhacay Gaza
Israa’iil ayaa sidoo kale wajahaysa dacwad xasuuq ah oo ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda kadib markii loo soo gudbiyay falal xasuuq ah oo loo geystay dadka Gaza.
Dad ka badan 44 kun oo u badan haween iyo caruur ayey Israel ku leysay magaalada Gaza, halka dad ku dhow 100 kuna ay noqdeen kuwo dhaawacyo qaba mudada sanadka ah ee uu socdo howlgalka ay ciidabnkeedu ka wadaan Gaza kumanaan kalke ayaa la rumeysan yahay in meydadkooda ahy ku hoos jiraan burburka dhismayaasha ay burburisay Israel.