Allbanaadir.com
NEWS

Nidaamka difaaca Siiriya ee Bishar Al-Asad oo burburay

Shabakadda Axios ayaa ilo sirdoon oo ka tirsan Israa’iil ka soo xigatay inuu burburay nidaamka ciidanka Suuriya ee ka amarqaata Bashaar Al-assad, taasoo soo dedejin karta in xukunka la rido Bashar Al-assad.

Sidoo kale , telefishinka Al Jazeera ayaa ka soo xigtay raadiyaha ciidanka Israa’iil in Mareykanka iyo Israa’iil ay arkeen calaamado muujinaya burbur ku yimid difaaca ciidanka nidaamka Assad.

Hadalladan waxay muujinayaan tilmaamaha isbeddel ka dhici kara Suuriya, iyadoo xoogaga mucaaradka ay ku sii siqayaan magaalada caasimada ah Dimishiq.

Hoggaamiyaha sare ee dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya , Abu Maxamed Jolani ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay si dhammeystiran ula wareegeen magaalada Xama ee bartamaha Suuriya.

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, ayaa iyana ku warrantay nidaamka difaaca ee Dimishiq inuu ka hortagay diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn oo lagu bartilmaameedsaday qeybo ka mid ah caasimadda Suuriya, iyadoo lagu sheegay weerarka inuu ka yimid dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee maanta la wareegay magaalada Xama oo 217 km u jirta Dimishiq.

Related posts

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo lagu weeraray duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday xero ciidamada ATMIS degan yihiin

Cabdi Cade

Maxkamada caalamiga ee ICC oo bilowday dacwad xasuuqa loo heysto Israel (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---