Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Xarun cusub oo loo dhisay Baarlamanka SSC-Khaatumo

Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa xadhiga ka jaray Dhismaha cusub ee golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiye kuxigeenka oo ay weheliyaan Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Mudane Jaamac Yaasiin Warsame iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Mudane Jaamac Aadan Cismaan ayaa kormeeray xafiisyada uu ka kooban yahay dhismaha, wuxuuna ku ammaanay madaxda golaha Wakiillada sida ay uga midho dhaliyeen in goluhu yeesho dhisme dawladeed oo u gaar ah kaas oo lagu dhisay iskutashi bulsho.

Intaa kadib Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kulan la qaatay guddoonka golaha Wakiilada maamulka SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa booqday mid kamid ah xeryaha ciidamada milateriga  SSC-Khaatumo tan ugu faca weyn ee Gen Bashiir Beydan.

Hoggaamiyaha oo ku hawl jira safarkiisii shaqo ayaa xeradan ugu tegay cutubyo ka mid ah ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo. Kuwaas oo gacanta ku haya Xerada iyo hubka Culus ee madaafiicda.

Booqadasha ayaa Hoggaamiyaha waxaa ku weheliyey qaar ka mid ah labada gole ee dawladda, Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta iyo Taliyaha qaybta Gobolka Cayn iyada oo uu halkaas kusoo dhaweeyey Taliyaha Xerada.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa saraakiisha iyo ciidanka ku bogaadiyey doorkooda geesinnimada leh ee ay ku ilaalinayaan nabadda iyo xasilloonida deegaannada SSC-Khaatumo.

Related posts

Wiil Soomaali ah oo caawa lagu dilay degaan ka tirsan gobolka Mpumalanga

Caydiid Ali

Jahwareer ka taagan Kismaayo & doorashadii Jubbaland oo Weji cusub yeelatay

admin

Kumuu ahaa wiilka uu dhalay Xassan Shiikh ee kala soo muuqday furinta dagaalka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---