Allbanaadir.com
NEWS

Maxay tahay xarunta cusub ee uu xariga ka jaray Wasiir Fartaag?

Wasiirka Amniga Gudaha, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay xafladda daahfurka xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya.

Xafladda ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale.

Xaruntan ayaa loogu talagalay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhaca xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeednimada iyo badbaadinta dadka ku xayiran xaaladaha deg degga ah ee ka dhaca badaha.

Wasiirka amniga ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in xaruntani ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta nabadgelyada iyo samatabixinta, isagoo ku boorriyay hay’adaha ku shaqada leh inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amniga badda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal lagu tayeynayo hawlgallada la xiriira badbaadada iyo la dagaallanka caqabadaha ku xeeran badda Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.

Ololaha aargoosiga ah ee Israel ayaa Marinka Gaza ku dilay 44,580 qof, kuwaas oo u badan dad rayid ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada wasaaradda caafimaadka Gaza ee Xamaas ay maamusho oo Qaramada Midoobay u aragto in la isku halayn karo.

Related posts

Malala Yuusuf oo ka qalin jabisay Jaamacad Dunida Caan ka ah

Cabdi Cade

Wasiir katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan Qarax lagu dilay

Cabdi Cade

Xukuumadda oo qaaday tallaabo deg deg ah kaddib weerarkii Liido (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---