Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo sheegtay iney fashilisay afgembi ka dhan ah..

Taliska Ciidanka Booliska Jubaland ayaa fashiliyay afgambi la doonayay in lagu dumiyo Dowladda Jubaland oo laga soo abaabulay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hogaaminayay Gudoomiyahii hore ee deegaanka Raaskambooni oo hada ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kabtan C/xakiin Xassan Carte Jabuuti oo ka tirsan Booliska Kismaayo ayaa sheegay inuu xiriir la soo sameeyey Gudoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose oo uu ku soo eedeeyey inuu ka falaagoobay Maamulka Axmed Madoobe kuna biiray ciidamada DF ee ku sugan Raaskambooni.

“Wuxuu iga dalbaday inaan afgembi ka sameeyo aaga aan xukumo illaa magaalada Kismaayo bartamaheeda taasoo ah wax aan ii cuntamin iiina qalmin, wuxuu adeegsanayey dhaqaale markii hore waxaa uu soo diray 75 kun, mar kale 15 kun markii u dambeysayna 5 kun ayuu soo diray taliska booliskana waxaa uu dhaqaalahas ku wareejiyey Wasaarada maaliyada Jubbalad” ayuu yiri Kabtan C/xakiin Xassan Carte Jabuuti.

Waxaa uu soo bandhigay waraaqihii cadeynayey bankiga lacagahaas lagu soo diray iyo akoonadii lagu soo shubay si ay howlgalkaas uu ku sheegay afgembiga uga sameeyaan magaalada Kismaayo.

Waxaa uu ugu baaqay saraakiisha ciidamada Jubbaland iney ku kedsoomin lacagaha lagu siinayo iney ka hor yimaadaan maamulka ay ka tirsan yihiin, ayna ka fogaadaan in loo adeegsado wax uu ugu yeeray khal-kal gelinta amniga degaanada Juballand.

HOOS KA DAAWO HADALKA SARKAALKA JUBBALAND

Related posts

Muranka Dhulalka oo kusoo badanaya Muqdisho iyo dowlada oo ku guul dareesatay Xalinteeda

Cabdi Cade

Jeneraal Sulub oo kormeer kedis ah ku tagay Saldhigyo booliis iyo Waxii uu kusoo arkay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Wariye ka tirsanaa mid kamid ah Telefishinada Soomaalida (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---