Maraakiibta dagaalka Ruushka ee ku sugan dekedda Tartus ayaa gantaallo ku weerarray xalay magaalada Idlib oo ay ku yaallan xarumaha mucaaradka Siiriya ee dhowaan halkaas qabsaday.
Sida ay ku warrantay barta telegram-ka ee ku dhow dawladda Ruushka ee Rybar wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa xaqiijisay in dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya ay weerarkii u horreeyay oo ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen saldhigga ugu muhiimsan ee Ruushka ku leeyahay Suuriya ee Khmeimim.
“Diyaaradda aan duuliyaha lahayn waxaa lagu soo riday tuulada Qardaha”, ayaa lagu yiri warka Rybar oo laga soo xigtay wasaaradda difaaca Ruushka.
Hab-dhaqanka mucaaradka lagama arag inay sameyn karaan tan, sababtoo ah markii ay qabsadeen Xalab, waxay ka fogaadeen inay la dagaallamaan kooxda SDF ee kurdida uu hubeeyo Mareykanka , tan oo laga arkayay inaysan dooneyn dagaallo ay ka galaan jihooyin kala duwanka.
Boqollaal askari oo ka tirsan ciidamada nidaamka Bashaar Al-Asad iyo maleeshiyaad taabacsan ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Al-Safira ee baadiyaha bari ee Xalab, sida uu muujinayo muuqaalkan uu baahiyay mid ka mid ah baraha telegram-ka ee mucaaradka.
Dhinaca kale, Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters Ururka Xisbullah kuma jirto qorshahooda inay ciidan u diraan Suuriya, si ay gacan uga siiyaan nidaamka Bashar Al-assad, duullaanka uu mucaaradka ku qabsanayo waqooyi-galbeed iyo bartamaha Suuriya.
Xisbullah, waxaa lagu xasuustaa inay ahayd kooxdii dhalisay mucaaradka in lagu burburiyo dagaalkii Suuriya ee 2016, balse waqtigan si cad ma awoodaan inay mar kale galaan Suuriya si ay u difaacaan Bashaar Al-assad.