Allbanaadir.com
NEWS

In ka badan 160 qof oo muhaajiriin Soomaaliyeed ahaa oo dalka lagu soo celiyay (Sawirro)

In ka badan 160 tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo saaray xabsiyada dalka Libya oo kooxo magefayaal ah ay ku heysteen ayey dowladda Soomaaliya maanta dib ugu soo celisay dalka.

Dadkan Soomaaliyeed ee laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho , ayaa waxaa soo dhaweeyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya .

74 ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee laga soo saaray xabsiyada dalka Libya ayaa maanta laga dejiyey magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya, halka 87-da kale laga soo dejiyey caasimadda Muqdisho,.

Tirada guud ee dadkaan ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay xabsiyadii ay ku dhibanaayeen ee dalka Libya oo dhallinyaro u badan ayaa ah 161 qof, Midowga Yurub iyo Hay’adda IOM ayaa dowladda ka taageeray soo celinta dadkaan.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Libya Danjire Cabdi Aadan Diiriye, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta Maryan Yaasiin iyo Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga qaranka, xubno ka socda UNHCR, Midowga Yurub iyo IOM ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey 87 qof oo kamid ah dadkii ay dowladda Soomaaliya kasoo badbaadisay magefayaasha Libya.

Related posts

Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen

Cabdi Cade

Madaxda dalka oo ka qeyb galay isu soo bax loogu duceynayey Marxuum Eng. Yariisow (Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo) Xasan Shiikh oo arrimo xasaasi ah kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---