Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ee dagaalka kula jira ciidamada milatariga dowladda iyo maleeshiyaadka shiicada ah ee taageersan, ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaalka ay ku jiraan, waxa ayna qabsadeen magaalooyin, saldhigyo ciidan iyo xarumo badan oo dowladeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay mucaaradka Suuriya ee dagaalka ku jira ,ayaa loogu baaqay bulshada laga tirada badan yahay ee calaawiyiinta uu kasoo jeedo Madaxweyne Bishaar Al Asad ay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah maamulka Suuriya hadda ka taliya.
”Waxa aanu caddaynaynaa in la gaaray wakhtigii la xiri- lahaa cutubka dhibaatada ay dadka Suuriya ku dhibaataysan yihiin ee ay u gaysteen taliska Assad, Suuriya mustaqbalka waxay noqon doontaa Suuriya midaysan, halkaas oo qof kastaa uu ku noolaan karo si sharaf iyo badbaado leh, kana fog cadaadiska uu talisku ku soo rogay tobanneeyo sanno.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay mucaaradka Suuriya.
Mucaaradka ayaa u caddeeyay bulshada Calawiyiinta in ay bartilmaameed u noqdeen go’aammada taliska Assad ee lagu dhibaateeyay bulshada Suuriya , balse dhaqdhaqaaqu uu xiri doono boggaa oo qof kasta oo muwaadin Suuriyaan ah uu heli doono nolal leh xorriyad iyo mustaqbal.
Mucaaradka Suuriya ayaa markii ay la wareegeen magaalada Xalab u ballanqaaday bulshooyinka kala duwan ee kunool magaaladaasi ay ku jiraan kuwa Kiristaanka ah in ay si nabbad ah ugu noolaadaan dhulkooda, waxa ayna meesha ka saareen kala qoqub iyo kala saar bulsho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com