Allbanaadir.com
NEWS

Muhaajiriin badan oo doonayay in ay galaan Mareykanka oo la xir xiray

Dowladda Maxico ayaa bilowday howlgalo ay ku qab qabanayaan dadka muhaajiriinta ah ee doonaya in dalkooda ka galaan Mareykanka, waxa ayna ciidamada booliiska iyo kuwa ilaalada xuduudaha xir xireen dad badan oo doonayay in ay galaan Mareykanka.

War kasoo baxay dowladda Maxicio ayaa lagu sheegay in saacado gudahood lagu xir xiray dad gaaraya 5,200 oo muhaajiriin, dadkan ayaana laga qab qabtay meelo kala duwan oo katirsan dalka Maxico, kahor inta aysan gudaha u galin Mareykanka oo ay kusii jeedeen.

Tallaabadan dowladda Maxicio ku xir xirtay muhaajiriinta ayaa timid , kaddib markii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump uu ugu hanjabay Mexico inuu saari doono wax soosaarkeeda cashuur 25%, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dowladda Maxico , ayaana qaaday howlgalkan qab qabshada ah si ay uga badbaadaan canshuurta dheeraad ah uu ugu hanjabay Madaxweyne Donald Trump, waxa ayna qab qabashada muhaajiriinta waji uga raadineysaa maamulka cusub ee Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa sababay in uu baaqdo Shirkii Muqdisho ee maanta & Xildhibaan weerar ku qaaday hab dhaqanka Villa Somalia !!

admin

DF oo shaacisay in Al Shabaab dhaqaale badan ku bixiyaan hurinta Dagaal beeleedyada

Cabdi Cade

Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---