Madaxweynaha xilka ka degaya ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in isaga iyo xisbigiisaba hadda isku diyaarinayaan mucaaradad, waxa uuna sheegay in ay fursad siin doonaan kooxda hadda talada dalka kala wareegtay.
Muuse Biixo oo si gaar ah ula hadlay taageerayaasha xisbigiisa guul dareestay ee Kulmiye iyo madaxdoodaba, ayaa ugu baaqay inay fursad siiyaan maamulka cusub ee dhawaan talada la wareegaya iyo xisbiga guulaystay ee Wadani.
Madaxweyne Biixi ayaana sheegay in fursad bilooyin ah siin doonaan maamulka cusub ee talada kala wareegaya, isagoona uga digay xisbigiisa iyo taageerayaashiisaba in laga maqlo ilaa boqolka cisho hore hadallo mucaaradad ah oo wax burinaya .
’Qolada KULMIYE waxan leeyahay haddii doorashadii la inaga helay shalay iyo dorraadba waynu helnay, qaran baynu dhisaynaa, welina xilkii maynu wareejin oo innagaa hayna, markaynu xilka wareejinana muddo ayeynu ka dhur sugaynaa sida maamulka dawladdu noqdo oo ummushaba waa la Afartan bixiyaa, dawladahana waa la baxnaaniyaa Boqolka cisho ee u horreeyee in hadal dhegaha u daran ama Somaliland wax yeelayaa idinka yimaaddo waa mamnuuc,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xisbiga Waddani iyo Madaxweynaha cusub ee loo doortay maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa la filayaa in dhawaan si rasmi ah xilka ula wareegaan, waxa uuna xisbiga Waddani soo dhisi doonaa xukuumad cusub oo la wareegeysa shaqadii ay hayeen Wasiirradii xisbiga Kulmiye.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com