Boqolaal askari oo katitrsanaa ciidamada maamulka Jubbaland eeĀ dhawaan isku dhiibay ciidanka xoogag dalka ee ku sugan deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa maanta la bilaabay in la diiwaangeliyo si loo siiyo xaquuqda ay helaan ciidanka kale ee dowladda.
Ciidankan ku biiray kuwa dowladda ee ku sugan deegaanka Raaskanbooni, ayaa markii hore la sheegay in loo diray in ay kahor tagaan lana dagaallamaan ciidanka dowladda geysay Raaskanbooni, hasa ahaaatee ciidankan ayaa go’aansaday in ay dowladda isku dhiibaan kuna biiraan ciidanka xoogga dalka.
Qaar kamid ah saraakiisha iyo askarta ciidanka Jubbaland ee maanta la diiwaangeliyay, ayaa sheegay in markii hore loo diray in ay la dagaallamaaan ciidamada dowladda, waxa ayna xuseen in ay go’aansadeen in ay ku biiraan ciidanka dowladda.
āWaxaan ka mid ahaa saraakiisha ka soo xarootay Jubaland ee loo soo diray inay calankooda xabadeeyaan, waa diidnay, goāaankeena maaha inaan calanka Soomaaliya xabadeyno, 14-sano ayaan u shaqaynayey Jubaland wax xuquuq ah ma lahaynā ayuu yiri Khadar Cali Ibraahim oo ka mid ah ciidamada maanta la diiwaangeliyey.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii kasoo goostay maamulka Jubbaland iskuna soo dhiibay dhankooda ku abaalmarisay darajo ciidan, diiwaangelin iyo lacag, waxa ayna dowladda waaa wali sidii ay usoo xero gelin laheyd ciidamada kale ee katirsan Jubbaland ee wali ka amar qaata AxmedĀ Madoobe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com