Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka Suuriya oo gaaray Albaabka laga galo magaalada …

Mucaaradka dalka Suuriya, ayaa guulo waa weyn ka gaaraya dagaalka ay kula jiraan milatariga dalkaasi iyo kooxaha la socda, waxa ayna la wareegayaan deegaanno iyo magaalooyin hor keh.

Kooxda la socota arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka Suuriya ayaa sheegtay, in kooxda Hayat Tahrir al-Sham iyo kooxaha xulafada la ah ay hadda “ku sugan yihiin albaabka” magaalada Xama ee bartamaha dalka Suuriya, halka milatarigana ay xaqiijiyeen in ay ciidamo u direen halkaas.

Kooxda xuquuqda aadanaha ayaa Talaadadii sheegtay, in “ciidanka la dagaallamaya xoogaggan” ay hadda ku sugan yihiin afaafka hore ee magaalada Xama, halkaas oo ay ka dhaceen barakac ballaaran oo ka dhashay dagaallada sii baahaya ee ka socda agagaarka magaalada, iyagoo xusay inay sababeen gantaallo ay soo tureen kooxda Hay’at Taxriir al-Sham iyo kooxaha xulafada la ah.

Dhanka kale, wakaaladda wararka Suuriya ee SANA oo soo xiganaysa ilo milateri ayaa sheegtay, in “ciidamo badan oo milatari ah ay gaareen magaalada Xama.

Talaadadii shalay ahayd, xoogagga mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen gacan ku heynta ilaa 14 tuulo iyo magaalooyin cusub, ka dib markii ay sii ballaariyeen howlgallada ka dhanka ah ciidanka Suuriya ee aagagga magaalada Xama ee bartamaha Suuriya.

Related posts

Ciidan ka baxay Xarardheere oo duulaan ku qaaday…

Caydiid Ali

DF oo diyaarisay Qorshe lagu soo afjarayo Ahlu Sunna laguna soo qabanayo Hogaankooda

Cabdi Cade

Booliis xiray Wadaad iyo Odayaal Sabab u ahaa in Haweeney Dhagxaan lagu weeraro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---