War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen saddex musharax Madaxweyne , ayaa looga hadlay xaalada siyaadadeed ee dalka iyo tallaabooyin uu qorsheenayo in uu qaado Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif, Ra’usul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur , ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu sameestay xeerar doorasho oo jeebkiisa ah, guddi iyo xisbi isagu leeyahay.
Siyaasiyiintan mucaaradka ah ayaa sheegay in xeerarka doorasho uu sameestay Madaxweynaha iyo guddiga doorasho ee la ansixiyay in dalka ka abuurayo khilaaf hor leh iyo xasillooni darro siyaadadeed.