Wasaaradda Caafimaadka Taliban ayaa sheegtay inay ka mamnuucday gabdhaha in ay wax ka bartaan hay’adaha caafimaadka ee Afghanistan.
Muuqaallo gabdho dibadbaxaya iyo kuwa joogo albaabada hay’adaha oo xiran ayaa la soo dhigay baraha bulshada.
Muuqaallada waxaa ka muuqday qaar ka mid ah ardayada oo ilmeynaya kaddib markii ay maqleen warka ku saabsan joojinta tacliinta.
Arday badan oo hay’adahan wax ka barta ayaa BBC u sheegay in madaxda hay’adahan ay u sheegen in fasalada la xiro ilaa inta dib looga soo sheegayo.
Hay’adaha caafimaadka sida kuwa umulisada, kalkaaliyenimada, sheybaarka iyo kuwa ilkaha waxay ahaayeen tacliinta kaliye ee sare ee gabdhaha Afghanistan waxbarasho ka sii wadan kareen kaddib markii jaamacadaha la xiray. Gabdho badan ayaa aaday goobahan markii ay waayeen waxbarashadii kale.
Wasaaradda tacliinta sare iyo Taliban ayaa ku dhawaaqay Desember sanadkii 2022-kii in haweenka iyo gabdhaha aysan wax ka baran karin jaamacadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay taasoo keentay in si weyn caalamka u dhaleeceeyo.