Madaxweynihii hore ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, ayey madaxda sare ee dowladda Soomaaliya u soo jeedisey hal sano oo mudo kororsiya oo ay ku xiran tahay hal shardi keliya, kaasoo ah inuu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo in maamul goboleedka Jubaland ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta isla sanadkaas gudahiisa, waxaana taladaas loo soo jeediyey ku hoos daboolneyd iney suurtogal noqon karto lix bilood oo kale oo hawlo farsamo awgeed in mudo kororsiga sanadka ah ay ku sii darsami karo.
Mudane Axmed Madoobe ayey xisaabta mudo kororsiga shaxdeedu u cuntami weysey, wuxuuna meel dheer ka arkay inuusan haysan hubantii uu ku soo noqon karo iyo inuu wakhtigaas uu aad ugu yar yahay marka lagu jaangooyo cabirka qiyaas ahaan uu la’eg yahay hamiga qorshaha damaciisa, wuxuuna madaxda dowladda Soomaaliya uu isaguna soo hor dhigay qorshihiisa dhabta ah oo uu ku doonayo inuu ku sameysto mudo kororsi shan sano ah, sidaasna uusan ku aqbaleyn wax ka yar mudo kordhin shan sano ah.
Diidmada ku dhisan carada ka soo fukatay Axmed Madoobe ayaa gunteeda hoose waxey salka ku haysa saluug uu ka qabo ciil uu ka qaaday isku dayo soo jiitamayey oo loogu qancin waayey inuu xilka uu soo hayey 12ka sano ka sameeyo tanaasul si loogu qanciyo shacabka Jubaland oo intooda badan ka soo horjeeda joogitaankiisa mudada dheer oo uu xilka hayo, waxaana isaga bedelkiisa xataa loo soo jeediyey in shaqsi reerkiisa ah sida raisulwasaaraha dalka uu ku wareejiyo xilka, musharaxaasna uu qabto doorasho qof iyo cod ah oo guushiisa horay loo sii qorsheeyey, wuxuuna talo soo jeedintaas uu u arkay abaal ka dhac iyo dhagar ay dowladdu u qorsheysay in lagu majaxaabiyo oo boqortooyadiisa looga dhaxal wareejiyo.
Waxaa mudo kororsiga shanta sano ah ee uu sameystay Mudane Axmed Madoobo si aan ka fiirsasho fogaanarag siyaasadeed lahayn u taageeray mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ujeedadoodu tahay in madaxda maamul goboleedyada ay ku xoojiyaan taageerada mucaaradnimadooda, waxeyna taas u arkaan in caqabada gadoodkooda ay maslaxadooda ku jirto, taas oo ka falcelinteeda ay ka dhex arkaan iney ku jirto fursado dhalin kara in wakhtiga u haray mudo xileedka madaxweynaha lugooyo looga dhumiyo, iyo iney ismaandhaafyada ka dhashay caqabadaas ay ka dhex gooban dhacdooyin ceebeyn kara dowladda ama ku keeni kara fashil hogaamineed.
Diidmada xooggan ee mucaaradka waxey gunteeda hoose ay salka ku haysaa in madaxweyne Hassan Sheekh uusan ku guuleysan qabashada doorashooyinka dadweynaha oo ku saleysan qof iyo cod, waxeyna taasi u arkaan iney tahay guuldaradooda oo soo hormartay, waxeyna cabsi xooggan ka qabaan in amaanta uu ka helayo madaxweynaha guusha qabsoomida doorashooyinkaas oo aysan qeybta ka ahayn iney u horseedo iney miisan tirto jiritaankooda oo maqnaashahooda aysan dadku tebin, waxeyna taasi tahay sababta ugu weyn oo ay u taageerayaan gadoodka madaxda maamul goboleedyada, balse waxey si muuqata ay dadka ugu sheegayaan in ragtidooda ay ku cabirayaan iyagoo si maldahan ugu dhex qarinaya ajendeyaashooda qarsoon iney ka soo horjeedaan mudo kororsi loo sameeyo maamulada ka jira dalka oo dhan, iyagoo taas ula jeeda iney u duurxulayaan iney ka hortegayaan mudo kororsi qarsoon oo uu damacsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mucaaradnimada Puntland waxey ku saleysan tahay ineysan danaha maslaxadooda aysan ku jirin iney aqbalaan wax kasta oo uu sameynayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku hirgelinayo horumaro ku cusub Soomaaliya, waxeysan xataa ku qanacsanayn tilaabo kasta oo wanaagsan oo waxtar leh oo ay madaxda dowladda Soomaaliyeed qaadisteeda ay ugala hor mareyso Puntland, waxeyna taladoodu ku ururrsan tahay in tilaabo qaadka u hooreeya looga daydo Puntland oo wax walba ay iyadu bilowdo si ay ugu sheegato sed dheeriya iney ku hesho oo ay wax walba uga qaadato sedka qeybta libaaxa oo ugu weyn, iyo haddana iney ku noqoto cida keliya oo ay mudan tahay mar kasta in lagala tashado masiirka dowladnimada Soomaaliya oo weliba ay tahay lagamaarmaan in la qaato talooyinkooda.
Madaxda dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon iney dowladnimada Soomaaliya u horseedaan taariikh dhaxal reebta oo dalka u jiheysa doorasho dadweyne oo ay shacabka ku helaan fursado ay si xora ugu soo doortaan madaxdooda ka talineysa masiirka aayahooda mustaqbalka, waxaana haboon in la dareemo in mudo kordhin ah karaahiyo ay tahay mariinka ku haboon marka si daacada loo fulinayo waxqabad siyaasadeed oo ummadda Soomaaliyeed ay ku mahdiso mustaqbalkeeda siyaasadeed, waxaana marnaba shacabka Soomaaliyeed munaasib aan ku ahayn in doorasho kasta ay musharixiinto balanqaadaan iney sameynayaan isbedelo siyaasadeed oo dalka dowladnimadiisa lagu hormarinayo, balse marka ay dhacdo in dalku yeesho madax ka duwan ay mucaaradaan dhamaan wixii ay balanqaadayeen.
Mudo kororsi karaahiyo ah oo lagu qaadayo tilaabooyin lagu gaarayo himilooyinka waxtarka weyn u leh horumarinta aayaha mustaqbalka dowladnimada Soomaaliyeed, ayaa wax badan dhaama fikradaha la yuurara hayikaca ku dhisan laablakaca aan wadan tilaabooyin loo qaadayo horumarinta dadka, balse ah iney dowladnimada ku hayaan meesha ay joogto, iyadoo hadalbadidooda ku saleysan fikradahooda mala’awaalka ah iyo aaminsanaanta balanqaadyadooda ay yihiin kuwo ismaandhaafsan oo iska horimanaya, ayey haddana waxey yihiin kuwo nuxurkoodu cabirayo madadaalo aan afka baarkiisa dhaaf siisneyn oo hogo tusaalayn barwaaqooyin beena dadka iyo dalka loogu dabrayo si aysan uga dhaqaaqin meesha ay joogaan, waxaana xaqiiqa in baaqyadooda xambaarsan barnaamiyada ku xusan qorshahooda horumarineed oo ay ku bidhaaminayaan waxqabadka siyaasadahooda inuu yihiin kuwo aan lahayn waxtar horay loogu soconayo.
Marka sidaas daradeed, maadaama habdhaqanka siyaasadeed ee xiliga kala guurka ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed mudo kordhintu u tahay caado soo jireena oo u baahan in laga gudbo, ayaa waxaa tixgelin mudan in la garawsado in maanta la soo gaarey wakhtigii ay shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen oo ah in ugu dambeysta la kala doorto midka haboon in la qaato laba mudo kororsi midkood, kuwaas oo kala ah mudo kororsi karaahiyo ah oo lagu gaarayo doorasho xalaala, iyo mudo kororsi ah xaqdaro dulmiya oo lagu gaarayo doorasho xaaraana.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)Â
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada DadkaÂ
Saciidciise258@aol.com
Fiiro Gaar ah: Qoraalkan wuxuu u gaar yahay shaqsiga ku saxiixan, kama turjumayo aragtida Allbanaadir Online oo ah mareeg u furan in qof walba uu fekerkiisa cabiro