Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya Amb. Richard H. Riley oo uu wehelinaayo Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.
Ugu horayn Madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga ee dawladda Maraykanka uga mahadnaqay iskaashiga iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Amniga geeska Afrika iyo dhinaca Militriga ee kala dhaxeeya Somaliland . Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xusay in booqashada weftigani ay xoojinayso xidhiidhka mustaqbal ee labada dhinac.
Dhinaca weftiguna waxay si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Safiirka Maraykanka, Amb. Richard H. Riley iyo Major General Brian Cashman oo iyaguna sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga Geeska Afrika.
Sidoo kale, waxa ay madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyeen doorka uu ka qaatay horumarka dalka, arrimaha dimuquraadiyada, doorashooyinka isku isku sidkan, adkaynta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo bisaylka siyaasadeed ee ka hana-qaaday dal aan weli ka mid noqon beesha Caalamka haseyeeshee buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahna. Iyagoo si gaara u bogaadoyey Madaxweynaha ee aqbalay natiijadii guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay ku dhawaaqeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com