Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka dhawaajiyay Ballanqaad loo riyaaqay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Adduunka oo sanad walba Maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay la ansixiyey sharciga Naafada, ayna ka go’antahay ilaalinta Xuquuqda dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada Naafada ah, iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhanyahay.

“Waxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in Xukuumadda ay ka go’antahay xal u helida colaadaha, ciribtirka Khawaarijta, iyo in dalkeenna oo dhan laga sameeyo tallaabooyin dhanka horumarka ah, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa ayaa ballanqaaday in sanadaha soo socda dadka Naafada ah ay heli doonaan marinno sida ugu sahlan loo dhisay, ayna ka qeybgali doonaan siyaasadda dalka, doorashooyinka madaxa banaan, waxa kale uu sheegay in qorshaha isbeddelka Qaranka ee hadda socda uu saldhig u yahay sidii loo heli lahaa adeeg loo dhan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kormeeray Dekedda Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaafiic kusoo dhacday qeybo kamid ah Muqdisho xili ay wadooyinka xiran yihiin

Cabdi Cade

Farmaajo Oo Noqday Sababta Dagaalka Galmudug iyo Sirta Qoor Qoor Oo La Kashifay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---