Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo shaacisay in tacadiyo geesteen ciidankii DFS geysay Raaskanbooni

Dowlad goboleedka Jubbaland ,ayaa ku eedeysay ciidanka xoogga dalka ee dhawaan la geeyay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose, in halkaasi ay ka geesteen tacadiyo ka dhan ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaankaasi.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka dowlad goboleedka Jubbaland oo safar shaqo ku maraya deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa ku eedeeyay ciidanka dowladda ee la geeyay Raaskanbooni in ay bilaabeen in ay kufsadaan dumarka deegaankaasi kunool.

Waxa kale Wasiirka ku eedeeyay ciidamada dowladda geysay deegaanka Raaskanbooni in ay bilaabeen in dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geestaan dadka shacabka ah, waxa kale uu sheegay in ciidamada deegaanka soo galiyeen mukhaadaraad ay kamid yihiin khamrsi iyo xashiih.

Wasiirka ayaana sheegay in dowladda Soomaaliya halkii looga fadhiyay dadka reer Jubbaland in waxbarasho , caafimaad iyo gar gaar u keenaan, taasi badalkeena usoo direen qoryo iyo hub dadka lagu dhibaateenayo iyo sidoo kale khamri iyo xashiish.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka katirsan maamulka Jubbaland , ayaa kusoo aadaya xilli ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya la wareegeen deegaanka Raaskanbooni oo horey u joogeen ciidamo katirsan kuwa Jubbaland oo Axmed Madoobe ka amar qaadanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Soomaali ah oo gacan ka geestay in Xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela !!

Cabdi Cade

Askarigii ugu horeeyey ee ka tirsan ciidanka AMISOM oo laga helay COVID-19

Caydiid Ali

RW Hore oo ka waramay guusha laga gaaray dagaalka Al-shabaab, kuna baaqay ha arrin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---