Kooxo hubeysan ayaa saakay degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ku toogtay guddoomiyihii arrimaha bulshada ee degmada Daarusalaam Guure Maxamed Xirsi, waxa ayna horey usii qaateen gaari nuuciisa yahay Prado uu lahaa guddoomiyaha iyo sidoo kale labo qoray.
Sida aan xogta ku helnay guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada ee Daarusalaam ayaa tagay goob jimicsi si loogu sameeyo fiisiyo tarbiya, waxaana goobtii uu ku jiray ugu soo galay rag hubeysan oo biskoolado watay, kuwaa oo rasaas oodda uga qaaday isaga iyo ninkii fiiso tarbiyada u sameenayay.
Waxaa isla goobtaasi ku geeriyooday ninkii lahaa goobta fiiso tarbiyada loogu sameenayay guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada ee Daarusalaam, waxaa sidoo kale dhaawac isaga ah oo goobtaasi laga qaaday guddoomiye kuxigeenka.
Kooxdii hubeysneed ee dilka iyo dhaawaca geesatay ayaa la sheegay in horey usii qaateen gaarigii uu watay guddoomiye kuxigeebka Daarusalaam, waxa ay sidoo kale horey usii qaateen labo qoray oo wateen ilaaladii guddoomiye kuxigeenka oo horey ka cararay markii toogashada gudaha ka bilaabatay.
Dad badan ayaa aaminsan weerarkan toogashada ah ee ka dhax dhacay xarunta jimicsiga lagu sameeyo in uu ahaa shirool, waxaana baaritaanno wada laamaha ammaanka dowladda oo gaaray goobtii ay ka dhacday toogashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com