Allbanaadir.com
NEWS

Waddo cusub oo laami ah oo laga dhisay Muqdisho oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray waddo cusub oo laami ah taasi oo isku xireysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Waddadaan oo ay dhismahiisa iska kaashadeen qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Hodan, isla markaana qeyb ka ah Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo kaabayaasha kala gedisan ee caasimadda ayaa loogu magacdaray Halgamaa Cabdullaahi Ciise.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay isku tashiga bulshada, asigoona balan-qaaday in waddadaan loo dhameystiri doonno adeegyada kale ee muhiimka u ah sida in lagu xero nalalka ku shaqeeya cad-ceeda, waxa uuna bulshada ugu baaqay in lagu dadaalo bilicdeeda.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Fahle, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Hodan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Turkiga

Cabdi Cade

Farmaajo oo si kulul uga hadlay dilka Xildh. Boqore, amar culusna siiyey laamaha aminga

Caydiid Ali

Kumaandooska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay qaraxyo kala duwan (Daawo Sawiarad)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---