Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Asad Diyaano oo amar siiyay saraakiisha ciidanka Booliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi , ayaa gudoominayay shirka amniga ee Caasimada kaasi oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska soomaaliyeed, waxaana kasoo qeyb galay saraakiisha kala duwan ee hay’adaha Amaanka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, oo warbixino dhanka amaanka iyo howlgaladii u danbeeyay ka dhageystay saraakiisha ayaa faray in ladardar galiyo amniga caasimada iyo sidii loogu adeegi lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada.

Mudooyinkii dambe Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, waxaa uu dadaal ugu jiray sidii isbadal xaga amniga looga heli lahaa oo uu kawaday guud ahaan dalka gaar ahaan Caasimada iyo Nawaaxigeeda.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay soo hagaagayay, wadaana yaraaday dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Related posts

Haabiil Axmed Cabdullaahi oo lagu dilay Canada iyo Hubkii lagu dilay oo la helay

Cabdi Cade

Saddex ka mid ah Wasiirada dowlada & Danjire Keating oo ka wada hadlay qorsheyaal cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Shiikh oo shaacinaya dal saxiixay heshiis lagu difaacayo badda Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---