Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Nidaamka federaalku wuxuu Somalia u horseeday..”

Soomaaliya nidaamka federaalku wuxuu u horseeday fahamdaro la xiriirta ismaamulida dowlad goboleedyada, taas oo dhalisay iney u dhaqmaan sidii maamulo ka madaxbanaan dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxeyna taas ku kaliftaa madaxda sare ee dowladda Soomaaliya in wakhti badan uga dhumo dadaalada ay maamuladaas dib ugu soo celinayaan hoos keenida awooda dowladda qaranka oo hal mid ah. Madaxda dowladda qaranka Soomaaliya waxey caqabado leh wejiyo dhib badan ay kala kulmaan qaar ka mida maamul goboleedyada dalka oo u jiheysan qaab u abaabulan falaagonimo ay cudurdaar uga dhiganayaan nidaamka federaalka Soomaaliyeed oo ku saleysan qabyaaladda.

Waxey madaxda sare ee dowladda ay isku dayday marar badan in khilaafyada maamul goboleedyada u horseedaya falaagonimada ay kula macaamisho istratejiyooyin nabadeed oo xoogga lagu saarayo in lagu tixgeliyo tabashooyinkooda oo lagu xaliyo qaab diblomaasiyadeed oo danaha maamuladooda mudnaanta lagu siinayo, iyadoo tilaabadaas lagu hubinayo ineysan waxba u dhimeyn, balse lagu xoojinayo midnimada dowladnimada Soomaaliyeed, waxeyna fikradahaas ay suutogeliyeen in mudnaanta kowaad lagu siiyo fursado horseedaya in lagula yeesho wadahadalo nabadeed oo wadaxaajoodkooda loo wada dhan yahay si xal looga wada gaaro dhameystirka gorgortanka siyaasadeed oo dhamaadka isafgaradka kulamadaas keeni kara hubanti la isugu haleyn karo degenaansho iyo midnimo buuxda, taas oo meesha ka saareysa adeegsiga cadaadis ku dhisan xoogg, balse taas bedelkeeda tixgelineysa isku dhilitirnaan miisaaman oo u dhexeysa isku xirnaanta madaxbanaanida ismaamulka gudaha dowlad goboleedyada iyo haykalka ka sareeya ee dowladda midnimada qaranka.

Dowladda Soomaaliya waxey qaaday tilaabooyin si taxadar leh u miisaaman oo ay ku ilaalineyso midnimada dowladnimada Soomaaliya, iyadoo ka fogaaneysa dalka gudahiisa in khilaafyada ka jira ay sii xooggeystaan, waxeyna sidaas u qaaday tilaabooyin waafaqsan dibuheshiin siyaasadeed oo ku saleysan diblomaasiyad Soomaalinimo oo bulshooyinka maamul goboleedyada waxgaradkooda lagula wadaagayo xaqiiqooyinka dhabta ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ka wajaheyso isbaheysiga ka dhexeeya maamulada gudaha iyo shisheeyaha waxyeelada ku haya jiritaanka qaranka Soomaaliya dowladnimadiisa, waxeyna sidoo kale ay qaaday tilaabooyin kale oo ay ku dhiseyso isku haynta, wadajirka, iyo wada shaqeynta ummadda Soomaaliyeed iyo midnimada dowladnimadooda, iyadoo u mareysa ka hortegida khilaafyada si ku dhisan adeegsiga maslaxooyin siyaasadeed, kuwo dhaqaale, iyo kuwo bulsho.

Tilaabooyinka ugu muhiimsan oo ay dowladda qaaday si ay uga jawaabto ka hortegida falaagonimada madaxda maamul goboleedyada ayaa waxaa ka mida: iney dib u habeyn ku sameyso dastuurka dalka, amniga, dhaqaalaha, iyo diplomasiyada siyaasadda dibeda, kuwaas oo lagu xaqiijinayey jiritaanka  Soomaliya oo ah mid lahaanshaheeda loo wada dhan yahay oo tabashooyinka dadweynaha iyo kuwa maamul goboleedyada lagu xalinayo si raacasan dhowrista midnimada dowladda iyo wadajirka dhulalka jamhuuriyada oo ah hal mid, waxeyna tilaabooyinkaas la qaaday ay  xoogga muhimada ugu weyn ay saareen dhismaha maamulo heshiis lagu yahay, horumar loo wada siman yahay, iyo awooda dowladnimada Soomaaliyeed oo wax badan looga ergeeyey ismaamulid madaxbanaan oo ay yeeshaan dowlad goboleedyada dalka, tilaabooyinkaas oo horsed u ahaa in Soomaaliya ay ku gaarto mustaqbalka dhow xasilooni iyo nabadgelyo.

Waxaa tilaabooyinkaas la qaaday marqaati ka ah in madaxda dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay in madaxda maamul goboleedyada ay u ogolaadeen iney talo wadaag ku yeeshaan go’aamada masiirga ah ee awooda dowladda qaranka lagu hogaaminayo; in dowlad goboleed kasta uu si siman uga qaato qeybtiisa fursadaha dhaqaale ee lagu hormarinayo maamulkiisa; iyo dibuhabeynta lagu sameeyey dhismaha ciidan qaran oo Soomaalidu ku wada dhan tahay, kuwaas oo kala ah ciidanka xoogga ee difaaca dalka, ciidanka booliska ee sugida amniga dalka, iyo ciidanka sirdoonka ee xasilinta amniga dowladda, kuwaas oo qanuunka dowladda maalmarintiisa u xilsaaran, iyagoon ku xadgudbin oo meel ka dhacyo aan u geysan nidaamka ismaamulka dowlad goboleedyada aan ka falaagoobin dowladda, kuwaas oo si waafaqsan dastuurka dalka u degsan si rasmiya u hoos yimaada dowladda dhexe ee qaranka Soomaaliya.

Waxaa kaloo ka mida tilaabooyinkaas la qaaday in madaxda Soomaaliya ay si joogto ah ula yeelato kulamo wadatashiya wakiilada bulshada caalamka sida Midowga Afrika, Qaramada midoobey, wadamada deris wanaaga leh dalka, iyo guud ahaan saaxiibada ay ku leedahay caalamka, waxeyna ka dalbataa gacan ka siinta xasiloonida siyaasada dalka oo muhimada ugu weyn oo laga leeyahay ay tahay dhowrista Soomaaliya oo ah hal mida iyo iney dadaalo ku soo xoojiyaan ka hortaga khilaafyada ka soo cusboonaaday gobolka geeska Afrika, iyo weliba iney xoojiyaan taageerada dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed oo ay ku garab taagan yihiin qadiyada ah in dhamaan maamul goboleedyada dalka ka jira ay sharci ahaan qasab ku tahay iney hoos yimaadaan si shuruud la’aan u hogaansamida siyaasadaha dowladda dhexe ee ku dhisan nidaamka salka ku haya midnimada hal dowlad oo federaala.

Waxeysan cidna ka qarooneyn inta jeer oo ay dowladda Soomaaliya ay wadaxaajood siyaasadeed la qaadatay madaxda noqday falaagada, iyado xataa u martay dhexdhexaadinta caalamka si wadahadal nabadeed loogu xaliyo dhibaatooyinka ay ka tabanayaan dowladda dhexe, iyadoon waxba loo dhimeyn sareynta dowladda qaranka iyo siyaasadaheeda ku wajahan horumarinta dhismaha maamulka dowladda, wadahadaladaas oo miiska wada xaajoodka lagu soo dhameynayo wax ka qabadka gunta hoose oo ay ka soo dhalatay ciladaha kalifay habdhaqanka falaagonimadooda, waxeyna qaadida tilaabadaas ay saldhig adag u noqoneysaa dibuhabeynta lagu wado dowladnimada Soomaaliya oo dhismaheeda mustaqbalka siyaasadeed loogu dhameystirayo hiigsiga lagu gaarayo Soomaali federaala oo maamul goboleedyadu iyagoon ku dulmaneyn ay si buuxda ugu hogaansamayaan federaalnimada dowladda Soomaaliya.

Waxaa waajib ku ah madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iney xaqiijiso in dowladnimada Soomaaliyeed ay ka shaqeyso dhamaan dalka oo dhan, iyagoo xoogga saaraya dhismaha nuuca federaalka xoojinaya curashada dowlad qaran oo xoogg badan oo dhulalkeeda awood isgu hayn karta, taas oo qasbeysa in dhamaan dowlad goboleedyada ay ilaaliyaan ixtiraamka ay ka mudan tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo iney u hogaansamaan amaradeeda shuruud la’aan, waxaana taas dhinac socda in la xaqiijinayo in la maqlayo dareenka xaqa ah ee dadweynaha ku nool maamul goboleedyada oo fariimahoodu uu gaarayo madaxda ugu sareysa dowladnimada Soomaaliya oo weliba tilaabooyinka ay qaadayaan talo wadaag ku tixgelinaya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo metelaya bulshooyinka ku kala nool dowlad goboleedyada.

Waxaa looga baahan yahay dowladda Soomaaliya in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay joogaan saldhigyadooda ciidan oo ay ku kala leeyihiin dhamaan maamul goboleedyada uu dalku leeyahay si ay u xaqiijiyaan xasiloonida ay xaqa u leedahay dowlad dalkeedu ku dhisan yahay hanaanka federaalka, waxey kaloo ciidanka milteriga ay u xil saran yihiin iney hub ka dhigis ku sameeyaan maleeshiyaadka hubeysan oo aan waafaqsaneyn nidaaminta ay dowladu ku wado dibuhabeyntooda, waxaase dowladda looga baahan yahay iney marka hore dhisto ciidan mideysan oo xooggan oo ka kala yimid dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshooyinka Soomaaliyeed, waxeyna taas ay kalsooni gelineysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo xushmad weyn u haya dhexdhexaadnimada ay ku hawlgelayaan ciidankooda, waxeyna ciidamadu wada shaqeynta ay shacabka ka helayaan ay ka faa’iidayaan iney ka hortagaan khilaafyada hubeysan ee dalka gudahiisa ka dhaca, dagaalada qabiilada, halista argagixisada, iyo ilaalinta lagu xasilanayo xuduudaha dalka.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo duuliyay diyaarad yar ee Somaliland leedahay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee Al-Shabaab ula wareegtay degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug? (Sawirro)

Caydiid Ali

Aqalka Sare oo qaaday talaabo muhiim ah iyo Wasiir u mahad-celiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---