Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo u digtay dayuuuradaha ka dega Raaskamboni

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Jubbaland ayaa digniin adag u dirtay shirkadaha diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in shirkadaha dayuuradaha aysan ka degi karin degaanka Raaskambooni sababo ka xiriira colaado halis ah oo halkaas ka jira.

“Shirkadii ka dhega adeygta digniinta la soo saaray wixii dhibaato ah ee ku yimaada iyadaa qaadi masuuliyadeda qaadi doonta” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degaanka Raaskambooni ka degayey dayuurado sida ciidamo DF ay halkaas u dirtay si ay cadaadis u saaraan hogaamiyaha Jubbaland oo ka hor yimid dowlada dhexe.

Jubbaland ayaa isku dayeysa iney go’doomiso ciidamada DF geystay Raaskambooni saacado ka hor ayeyna aheyd markii ay degaankaas ka jartay isgaarsiintii telefanada iyo internetka.

HOOS MKA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Related posts

Magaca iyo Sawirka ninkii dilay Taliyihii ciidanka Difaaca Itoobiya oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Madaxweynaha Ukraine: “Waan dagaalameynaa ilaa daqiiqada u dambeysa”

Caydiid Ali

Trump oo fasaxay in Hub balaayiin Dollar jooga laga iibiyo Sacuudiga iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---