Villa Somalia ayaa soo saartay qoraal cusub oo Jen Gordan loogu magac daray xeradii ciidanka xoogga dalka ee Damaanyo
Talaabadan ayaa timid ka dib markii Xerada Jen. Gordan laga bedelay magacii, loogu magac daray sarkaal u dhashay Imaaraadka oo lagu dilay Somalia.
Hadal-heyn iyo falcelin adag oo ka ka dhalatay go’aankaas ayaa madaxweynaha ku qasbay inuu xeradii Damaanyo ugu magacdaro Allaha u raxmadee Jen Gordan.
Madaxweyne Xassan ayaa u socdaalaya Imaaraatka Carabta, xili ay safarkii u dambeeyey uusan lakulmin madaxda sare ee dalkaas, Wasiir ku-xigeenka beesha uu ka soo jeeday Jen Gordan allaha u raxmadee ayaa dadaal xoog leh ku bixiyey talaabadan dambe.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA VILLA SOMALIA