Allbanaadir.com
NEWS

Xubno lala xiriiriyey Daacishta Somalia oo dacwad lagu oogay

Dacwad oogayaasha Sweden ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in ay dacwad ku soo oogeen saddex qof oo la tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish, kuwaas oo oo lagu eedeeyey in ay maleegeen falal argagixisanimo oo ay ku jiraan kuwa ka dhan ah danaha Yahuudda, ayna doonayeen in caruur aan qaan gaarin ay fuliyaan.

Saddexda qof iyo sidoo kale tuhmane afraad ayaa sidoo kale lagu soo oogay in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish, oo ay Sweden mamnuucday in ay yihiin urur argagixiso, iyo in ay maleegeen dambi loo adeegsado hub, sida ay warbixino kala duwan ku sheegeen hay’adda dacwad-oogista Sweden ee SPA iyo tan sirdoonka ee Sapo.

Afarta qof waxaa ka mid ahaa laba walaalo ah oo da’doodu kala tahay 23 iyo 25 jir, kuwaas oo qaatay diinta Islaamka wax yar ka hor intaan la xirin.

Midka weyn ayaa amar ka helay Daacishita Soomaaliya oo ah “in ay dilaan inta ugu badan ee ay awoodaan ee gaalo ah, iyadoo bartilmaameedyada ugu weyn ay yihiin bartilmaameedyada Yahuudda”, sida lagu sheegay dacwadda.

Sapo ayaa dhagaystay taleefoonada kooxda, waxaana walaalaha la maqlayay iyagoo ka hadlaya raadinta carruur da’doodu ka yar tahay 18 jir “oo diyaar u ah inay ku dhintaan shahiidnimo” iyo kuwa “dili doona in badan”, sida ku cad dacwadda.

Waxay ka wada hadleen bartilmaameedyo ay ka mid yihiin “dowladda, booliska, hay’adda sirdoonka, (iyo) kaniisadaha Yahuudda, si loo waxyeeleeyo dawladda iyo bulshada intii suurtagal ah”, ayay tiri.

Sapo ayaa sheegtay in kiisku uu sidoo kale xiriir la leeyahay koox dambiilayaal ah oo abaabulan oo ku sugan xaafadda Tyreso ee magaalada Stockholm, kuwaasoo kooxda siisay qoryo.

“Baaritaanku wuxuu muujinayaa in dambiga argagixisanimo uu xiriir caalami ah la leeyahay Daacish, si gaar ahna, Daacishta Soomaaliya, iyo sidoo kale dad loo baarayo argagaxisanimo dibadda ah,” ayay tiri xeer-ilaalinta.

“Dadka kiiska ku jira waxay lahaayeen door kala duwan, laakiin dhammaantood waxay xiriir la leeyihiin urur dhaqameed Islaami ah oo ka jira Tyreso,” ayay raacisay.

Afartan qof ayaa lagu xiray howlgallo dhacay bilihii March iyo April, sida ay sheegtay Sapo. Dhammaan afarta qof, oo weli xabsiga ku sii jira, waa ay beeniyeen eedeymaha.

Qof shanaad oo lagu hayey xabsiga ayaa la sii daayay bishii October, hadda kadibna looma arko tuhmane.

 

Related posts

Xildhibaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo iyo ragii dilay oo la baadi goobayo

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulan Wasiirka difaaca Somalia la qaatay dhigiisa Kenya?

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan Xasaasi ah la qaatay Saraakiishii xureesay Xarardheere (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---