Allbanaadir.com
NEWS

Xero oo ku magacawnaa Jeneraal Soomaaliyeed oo lagu beddelay mid Imaaraad ah

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaca looga beddelay xerada Jeneraal Gordon , waxaana xeradan loogu magacdaray korneel u dhashay Imaaraadka Carabta oo Muqdisho lagu dilay.

Xeradan oo katirsan Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa horey loogu magacdaray Maxamed Ibraahim Faarax Jeneraal Gordon oo ahaa jeneraal u dhintay dalka , kaalin weyna ku lahaa dagaalkii Al Shabaab looga saaray Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose.

Janaraal Gordan ayaa ku baxay gacanta kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, waxaana sargaalkan lagu maamuusay in loogu magacdaro xeradan oo degan yihiin laguna tababaro cutubyo katirsan milatariga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa meesha ka saaray hadda maamuuskii horey loogu sameeyay Generaal Gordon, waxa uuna hadda Madaxweynaha maamus u sameeyay oo xeradan kugu magacdaray sargaal u dhashay Imaaraadka Carabta oo nin hubeysan xeradan ku dhax dilay.

Related posts

Maxaad kala Socotaa taariikhda Deg. Shangaani & sababta uu Magacaas ku baxday?

admin

Mashaariic Dan Guud ah oo laga Daah furay Degmo Xeebeedka Warsheekh (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarad Rakaab oo ku bur burtay Moscow iyo Dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---