Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Masuuliyiin qorshe loo diray Warbixin ka dhageestay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiita u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socda Magaalada Muqdisho.

Xubnaha hormuudka u ah NTP ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee diyaarinta Qorshuhu soo mareen iyo halka ay hadda soo gaartay ugu dambeyn, iyagoo lala wadaagay xogta hor u dhaca ah ee ka soo baxday iyo dadaalka iyo maskaxda la galiyey diyaarinta Qorshaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa guddiga iyo dhammaan howl wadeenada gacanta ku haya diyaarinta Qorshaha uga mahad celiyay shaqada culus ee ay soo qabteen waxaana uu ballan qaaday in uu qorshahaani noqon doono midka ay ku shaqeyn doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

 

Related posts

Saraakiil sare oo katirsan Daacish oo la Maxkamadeeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Banaan baxyada Muqdisho iyo Ciidamada oo awood adeegsaday

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo taageeray musharaxnimada Soomaaliya ee kursiga Golaha Ammaanka QM

Caydiid Ali
Taboola Ads ---