Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gacan taag lagu doortay (Sawirro)

Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dooratay guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee dorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa loo doortay Cabdikariim Axmed Xasan,halka guddoomiye kuxigeenka isna loo doortay Saaqada Abshir Garaad.

Gudoomiyaha gudigga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in ay ka shaqeenayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah oo dadweynaha Soomaaliyeed kusoo dooranayaan cidda mataleysa.

Munaasabadda doorashada waxa ka qeybgalay wasiirka Arrimaha Gudaha faderaalka iyo Dib-uheshiisiinta iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda,kuwaa oo bagaadiyay sida hufan ay doorashada u dhacday.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa looga fadhiyaa sidii ay uga shaqeyn lahaayeen doorasho qof iyo coda ah, waxaana shaki badan la galinayaa in dalka ka dhacdo doorasho iyada oon muddo kordhin la sameyn.

Related posts

Fadhiga Baarlamanka Somalia oo maalintii 3aad qarka u saaran inuu baaqdo

Caydiid Ali

Khilaafkii Siyaasiyiinta gobolada woqooyi ee DF oo mar kale soo labo kacleeyey ka dib markii..

Caydiid Ali

Iran oo iska fogeysay masuuliyadda dilka loo geestay Rabbi Tsoi Kogan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---