Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xeer Madaxweyne uu soo saaray ku magacaabay xubnaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ka kooban 18ka xubnood.
Xubnahan guddiga doorashooyinka uu xeerka kusoo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhawaan waxaa magacaabay golaha Wasiiradda Soomaaliya, waxaana si aqlabiyad leh u ansixiyay xildhibaannada labada Aqal.
Guddigan doorashooyinka Qaran ee dowladsa Federaalka dhistay ayaa ka shaqeenaya damaca Madaxweyne Xasan Sheekh ee ah qabashada doorasho qof iyo cod ah, xilli muddo xileedka dowladda ka dhiman tahay sannad iyo bilootin kaliya, taas oo ay adag tahay in xilligaasidalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah.