Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa wali wada magacaabista xilal kala duwan, kuwaa uu inta badan ku abaalmarinayo dadkii sida weyn uga shaqeeyay olalihiisa dooarshada uu guusha weyn ka gaaray.
Donald Trump ayaa u magacaabay nin ganacsade iyo qareen isku ah oo lagu magacaabo Massad Boulos , in uu noqdo lataliyaha arrimaha Carabta iyo Bariga Dhexe, ninkan ayaana asal ahaan kasoo jeeda dalka Lubnaan, gaar ahaan bulshada masiixiyiinta ah.
Ninkan Carbeed ee Madaxweynaha dalka Mareykanka uu u magcaabay lataliyihiisa Arrimaha Carabta iyo Bariga Dhaxe, ayaa sidoo kale soddog u ah gabadhiisa Tiffany Trump, waxa uuna dhalay ninka qaba gabadha Madaxweynaha.
Madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo saaray ku amaanay ninkan Carbeed uu lataliyaha ka dhigtay, waxa uuna ku tilmaamay in uu yahay  qareen dhammaystiran, hoggaamiye ganacsi, iyo u-doodde xooggan oo nabadda Bariga Dhexe.
Massad Boulos, ayaa qeyb weyn ku lahaa ololaha doorashada uu ku guuleestay Trump, waxa uuna ninkan ka shaqeeyay in Carabta kunool Mareykanka in codad badan siiyaan Madaxweyne Trump, waxa uu sidoo kale dhisay xiriirka Carabta kunool dalka Mareykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com