Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhaxe duqeyn culus la beegsaday saldhig la sheegay in dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab isku aruursanayeen, waxaana la sheegay in duqeyntaasi Al Shabaab kasoo gaareen khasaarooyin kala duwan.
Sida aan wararka ku helnay duqeynta ayaa ka dhacday inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Hoose, goobta la duqeeyay ayaana la tilmaamay in Al Shabaab weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ay kasoo qaadi jireen.
Wali si dhab ah looma oga khasaaraha duqeyntan kasoo gaaray kooxda Al Shabaab, maadaama aaga la duqeeyay ay adag tahay in dad aan iyaga aheyn tagaan, waxa ayna dadka deegaanka ee aagaasi ku dhaw dhaw sheegeen in ay maqlayeen jugta gantaalada lagu garaacay Al Shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle , ayaana ka hadlin duqeyntan xalay ka dhacday inta u dhaxeysa Balcad iyo Xawaadley, waxa ayna duqeyntan timid xilli ay korortay khatarta kooxda Al Shabaab ee aagaasi ku sugnaa.
Diyaarado dagaal oo caawiya ciidanka xoogga dalka ayaa duqeymo la beegsada goobaha ay jogaan kooxda Al Shabaab, waxa ayna duqeymahaasi Al Shabaab kasoo gaara khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo in laga gubo gaadiid kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com