Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wadahadley arrimaha la xiriira horumarka muuqda ee Soomaaliya ka sameyneyso dhibacyada siyaasadda, amniga, dagaalka Al Shabaab, la wareegista DFS ee goobaha ay ka baxayaan ciidammada ATMIS iyo ballaarinta fidinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa si mug leh u dul istaagey tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay doorasho Qof iyo Cod ah ka hirgeliso dalka, iyo meel marinta sharciyada muhiimka u ah gaarista hadafkaasi oo dhowaan Baarlamanka Federaalka uu ansixiyay.

Ambassador Souef ayaa dhankiisa bogaadiyay hawlaha muhiimka ah ee la xiriira dowlad dhiska ee ay Soomaaliya ku guuleysatey, isagoo intaa raaciyay in Midowga Afrika uu mar walba uu taageero buuxda la garab taagan yahay Soomaaliya.

 

Related posts

Askar ka hor timid Maamulka Axmed Madoobe oo dil & xabsi lagu xukumay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dabley hubeysan oo dil iyo xarig loogu geystay degmooyin ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) Puntland oo ka soo horjeesatay talaabo ay qaaday Dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---