Allbanaadir.com
NEWS

Xunbo ka tirsan Sirdoonka Israel oo lagu xiray Turkiga

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Hawlgal ka dhacay magalada Istanbul ee Dalka Turkiga kaasoo ay sameysay Hay’adaha sirdoonka Turkiga

Howlgalkan ayaa lagu qabqabtay shabakad isku xiran oo u shaqeynayay Sirdoonka Israel ee Mossad taasoo ka howlgaleysay gudaha Turkiga.

Sida lagu qoray wargeyska Daily Sabah, waxaa la qabtay dadka kala ah Hamza Turhan Ayberk, Funda Kadayıfçıoğlu, Ercan Kama, Ömer Burak Gezer, Ismail Kaya, Mehmet Yetimova iyo Özkan Şahin oo dhamaantood ah Muwaadiniin Turki ah

Dhamaan xubnahan marka laga reebo hal nin waxay wajahayaan xukun 18 sano oo xarig ah hadii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyey.

Ninka haray oo ah Ozkan oo 45 sano jir ah madaxna u ahaa shabakadan ayaa lagu xukumi doonaa xabsi daain ama madaxaa ha ku furto.

Maamulka Israel ayaa weerar culus oo dhanka sirdoonka ah ku soo qaaday Turkiga oo uu arko kan kaliya ee wax ka qaban kara dhibaatada ay ka wadaan bariga Dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin.

Related posts

Odayaal kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo dhax dhaxaadin u gaaray Hargeysa

Cabdi Cade

Shaqaale maqaayad oo xabsiga la dhigay kadib markii booliis ay siin waayeen cunto bilaash ah

Cabdi Cade

Dowlada oo Shaacisay goobta rasmiga ah ee lagu qabanayo Shirka Farmaajo iclaamiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---