Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto , ayaa ka dhawaajiyay in uu ka shaqeenayo sidii wadahadal u dhax mari lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, madaxda labada dal ayaana xilligan waxaa ka dhaxeeya khilaaf meel xun gaaray.
Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzaaniya Ilyaas Cali Xasan, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweeneyso dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Waxa kale uu sheegay safiirka in dowladda Soomaaliya wali ay ku dhegan tahay go’aankeedii hore ayna jirin wax iska beddelay, waxa uuna sheegay in Itoobiya looga fadhiyo in marka hore waxba kama jiraan ka dhigto heshiiskii ay la gashay Somaliland ayna ixtiraamto midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
”Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Dankire Ilyaas.
Dowladda Turkiga ayaa horey ugu guuldareesatay wadahadalo ay isugu keenay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya in ay ka heshiiyaan khilaafka taagan, waxaana wali muuqata in khilaafka labada dal ay adag tahay in xal loo helo, maadaama labada dhinacbo shuruudo adag wataan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com