Ilaa iyo afar doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa saakay ku biiray ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Raaskambooni, waxa ayna ciidankan kasoo goosteen ciidanka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Ciidankan ku biiray kuwa xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Raaskanbooni, ayaa sheegay in ay horey uga amar qaadanayeen guddoomiyaha degmada Badhaadhe, waxa ayna tilmaameen in ay go’aansadeen ku biirista ciidanka xoogga dalka.
Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka , ayaa soo dhaweeyay ciidamadan kasoo goostay Jubbaland, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ciidankan ku biirayaan kuwa xoogga dalka ayna ka qeyb galayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka dowladda abaabuleyso.
Dowladda Soomaaliya ayaa u ballanqaaday ciidamada kasoo goosta Jubbaland ee kusoo biira xagooda in la siinayo abaalmarino ay kamid yihiin number ciidan iyo dallacsiin, waxa ayna horey dowladda Muqdisho u geysay ciidamo boqol ka badan oo horey Jubbaland uga soo goostay..
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com