Guri ku yaalla Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa laga helay meydadka qoys Soomaali ah oo ka kooban illaa lix qof.
Dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah ahaa nin oday ah, wiilkiisa, gabar wiilka xaaskiisa aheyd iyo labo caruurtooda ah sida ay sheegayaan wararka na soo gaaraya.
Qoyskan ayaa la sheegay in war iyo wacaal laga waayey muddo 24 saac ka badan ayna ka jawaabi waayeen telefanadii laga wacay taasoo shaki badan abuurtay ugu dambeyna sababtay in la jebiyo albaabka gurigii ay ku jireen sida ay sheegeen dad eheladooda ah.
Warar hordhac ah oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qoyskan ay ku sumoobeen gaaska cuntada oo ku furmay guriga dhexdiisa, waxaana weli socda baaritaano ay wadaan Booliska Masar oo lagu xaqiijinayo sababta rasmiga ah ee keentay geerida qoyskan.
Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa isugu soo baxay guriga ay ka dhacday musiibadan kuwaasoo si weyn uga argagaxay dhacdadan murugada leh oo si weyn looga hadal hayo magaalada Qaahira iyo baraha bulshada Soomaalida.