Allbanaadir.com
NEWS

Madasha hab-maamulka Internetka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum), oo ah madal muhiim ah oo lagu gorfeynayo doorka internet-ka ee horumarinta Soomaaliya.

Madashan ayaa ujeedadeedu yahay in ay noqoto meel lagu wadaago aragtiyo, talooyin, iyo xalal wax ku ool ah oo la xiriira maamulka internet-ka.

Mudane Salah Jama ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada, dowladda iyo shirkadaha gaarka ah si loo dhiso nidaam hufan oo lagu maamulo internet-ka, taas oo horseedi karta horumar ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay madashani u leedahay dadka Soomaaliyeed oo qeybo badan oo noloshooda dhaqan dhaqaale ay ku xidhan tahay adeegga internet ka.

 

Related posts

Safiirkii Britain u fadhiyey Maraykanka oo kashifay sir u qarsooneyd Trump

Caydiid Ali

Xukun Dil ah iyo Xabsi dheer oo lagu riday xubno katirsan kooxda Daacishta Soomaaliya

Cabdi Cade

Arinta Galmudug oo lagu sifeeyay Qof Xanuunsan oo hadana Daawadii loo qoray Diiday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---