Allbanaadir.com
NEWS

Markab uu Wakiil ka yahay Senator Soomaaliyeed oo afduub loo heesto

Markab nuuca kalluumeysi oo todobaadkii tegey lagu qafaashay xeebaha deegaannada maamulka Puntland, ayaa mudda saddex cisho ah ku af-duuban degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in markabkani ay af-duubteen ilaaladii loo xilsaaray in ay amnigiisa sugaan, kadibna ay dhinaca degmada Eyl ee gobolka Nugaal kaga biireen rag hubaysan, si ay u xoojiyaan kooxdii qafaashay oo hadda ku haysta degaan xeebeedka Jiifle.

Markabkani oo laga lee yahay waddanka China, balse ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa sida la xaqiijinayo Arbacadii laga qafaashay xeebaha degmada Xaafuun oo ka tirsan gobolka Bari, islamarkaana dhacda badweynta Hindiya.

Markabka oo ay wakiil ka yihiin ganacsade Maxamuud Shiddo iyo Senetar Daahir Ayaanle ayaa waxa uu shati kalluumeysi ka haystaan xukuumadda Puntland sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Isku dayo kala duwan oo lagu raadinayay in wada-hadal lagu qanciyo kooxaha burcadada markabkani haysata ayaan weli guulaysan, waxaase ilaa iyo hadda socda dadaallo ku aaddan in la sii wado waan-waanta bilaabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Hore Walaalihiis iyo xubno katirsan Qoyskiisa oo la laayay

Cabdi Cade

Xoghayaha joogtada ee xafiiska RW Somalia oo musuq-maasuq lagu eedeeyey (Akhriso Cadeyn)

admin

Dagaal culus oo goor dhow ka qarxay degmada Balcad ee gobolkla Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---