Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya , ayaa qabsaday xarumihii dawladda ee magaalada Xalab, oo ay ku jiraan xarunta maamulka Xalab, xarunta Booliiska , iyagoo sidoo kale la wareegay bakhaarada kaydka ee ciidanka Suuriya oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca, lidka taangiyada iyo madaafiic uu ku qalabeeyay Ruushka.
Ciidanka Suuriya ayaa la sheegay inay waqti hore inta badan isaga baxeen magaalada Xalab, inta ku harsan waxaa la sheegay inay wada-hadallo u socdaan mucaaradka , ujeeddada waa inay noqdaan kuwa dagaallami kara, ama ay isku soo dhiiba mucaaradka iyo midda u dambeysa oo ah in la siiyo marin ammaan ah oo ay uga baxayaan Xalab.
Madaxweynaha Suuriya , Bashaar Al-Assad oo si deg deg u tagay Moscow oo la sheegay inuu la kulmay Putin, ayaa dib xalay ugu soo laabtay Dimishiq, iyadoo la arkay in Ruushka uusan qaadin tallaabooyin ku filan oo lagu joojin karo xooggaga mucaaradka ee qabsaday magaalada Xalab , taa oo ka dhigan guusha ugu weyn ee dagaalka ay ka gaarayaan mucaaradka muddo siddeed sanno ka badan.
Wargeyska Middle East Eye, ayaa ku warramay in sawirrada dayax-gacmeedka laga arkay in saldhigyada Ruushka ee gudaha Suuriya ay maranyihiin oo tiro yar oo diyaaraddo iyo hub duug uu Ruushka uga tagay Suuriya , isagoo awoodiisa oo dhan u jiheeyay dagaalka Ukraine , in mar kale uu iskudayo Ruushka inuu difaaca Assad, waxay ku sheegeen ilo uu wargeyska xigtay inay u baahantahay waqti iyo Ruushka inuu ka soo saaro waqooyiga Afrika calooshood u shaqeystayaasha Wagner si ay uga dagaallamaan gudaha Suuriya.
Afhayeenka aqalka Ruushka ee Kremlin, Dmitry Peskov oo  la waydiiyay inuu ka hadlo dagaalka dib uga qarxay Suuriya, wuxuu sheegay waxa ka socda Suuriya inay tahay xad-gudub, isagoo markaa tilmaamay inuu rajeynayo maamulka Assad inay awoodaan sidii ay gacantooda ugu soo celin lahaayeen Xalab, marka ma uusan sheegin doorka uu Ruushka ku caawin karo maamulka Assad. Laakin si cad guul-darrada Assad, waxay saameyn ku leedahay sharafta Ruushka, taa oo ku khasbaysa inuu Ruushka ilaaliyo booskiisa Suuriya.