Weerar dhaliyay khasaarooyin kala duwan ayaa ka dhacay deegaan xoog lagu dejiyay yahuuda Israa’iil oo katirsan dhulka Falastiin, kaddib markii nin hubeysan oo Falastiini ah rasaas oodda uga qaaday gaari bas ah ay la socdeen dad Israa’iiliyiin ah.
Gaariga maanta la weeraray ayaa marayay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto, gaar ahaan aagga ay ku badan yihiin dadka yahuuda ah ee a ee Ariel,, waxaana weerarkan uu argagax badan ku beeray dadka yahuuda ah ee aagaasi degan.
Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhaawacmay ilaa 8 qof oo Israa’iiliyiin ah , waxaana la sheegay in afar kamid ah dadkaasi ay haleeshay rasaastii gaariga lagu weeraray, halka dadka kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen miraayadaha baska oo jajabay, saddex qof ayaana dhaawac halis ah laga daweenayaa.
Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in la aqoonsaday ninka baska rasaasta huwiyay, kaas oo da’diisa lagu sheegay 46 jir deegaanka ku noolaa. Garabka hubeysan ee ururka Xamaas ee Al-Qasaam ayaa sheegay in nin kaasi uu iyaga ka tirsanaa.
Ciidamada Israa’iil ayaana toogasgo ku dilay ninkii hubeysnaa ee weerarka ku qaaday baska ay la soceeen dadka yahuuda ah, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli ay kordhayaan rabshadaha iyo dilalka ka dhacaya Daanta Galbeed , dhulka xoogga ku heestaan yahuuda Israa’iil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com