Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Akhriso) Maraykanka oo War ka soo saaray duqeymo kale oo ka dhacay gobolka Mudug

Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika AFRICOM ayaa looga hadlay duqeymo xalay mar kale laga geystay degaano ka tirsan gobolka Mudug.

AFRICOMĀ  ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacday degaanka Caad ee Gobalka Mudug laguna dilay illaa 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa sheegaya inuu sii wadayo duqeymaha ka dhan ah wax uu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah

Shalay ayey aheyd markii taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika sheegeen iney 37 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ku dileen duqeymo dorraad lala beegsaday isla fariisimahan xalay la weeraray.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarrada xagga cirka ee ay ku bartilmaameedaadaan fariisimaha kooxda Al Shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas oo shaacisay falal argagax leh oo ka socda Gaza

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland & Wakiilka QM oo shir jaraaā€™id ku qabtay Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---