Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay Maxamed Baashe Faarax oo ku eedeysan…

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeem eedaysane loo haysto dil maanta oo Jimce ah ka dhacay magaalada Hargeysa.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Somaliland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Baashe Faarax oo loo haysto dil maanta ka dhacay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Maxbuus Maxamed Baashe oo da’diisu tahay 24 sano jir ayaa ku eedaysan dilka marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil oo 37 jir ah kadib markii uu ku dilay mindi sida uu sheegay Booliska Somaliland.

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Baashe Faarax Ina Khadra Badel 24 jir ah oo ku eedaysan in uu maanta ku dilay degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil 37 jir ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland.

Booliska Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in eedaysanaha baaris lagu samaynayo islamarkaana si deg deg ah sharciga la horgeyn doono.

Related posts

Immisa kiis oo COVID-19 ayaa dalka laga helay 24-kii saac ee la soo dhaafay?

Caydiid Ali

Daawo Video:- Sida yaabka leh ee shimbiruhu qiyaanada isugu sameeyaan

admin

Daawo Sawirada: Dib u dhis ku socda xarunta Wasaarada Lacagta iyo Wasiir Beyle oo Kormeeray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---