Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamadii Jubbaland kasoo goostay Muqdisho iyo DFS oo abaalmarineysa

Ciidamadii katirsanaa dowlad goboleedka Jubbaland ee dhawaan isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee la geeyay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubadda Hoose, ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaarado gaar ah ayaa ciidankan kasoo goostay maamulka Jubbaland kasoo dejiyay magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan loo qaaday xeryo gaar ah oo loogu tala galay in lagu xareeyo, si loogu sameeyo diiwaangelin iyo number ciidan oo rasmi ah.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka ayaa dowladda Soomaaliya u sameeneysaa maamus gaar ah, waxaana la siinayaa abaalmarino ay kamid yihiin derajooyin iyo number ciidan, waxaana qorshaha yahay in ciidankan iyaga oo wata magaca ciidanka xoogga dalka in dib loogu celiyo deegaannada Jubbaland.

Ciidamo badan oo katirsanaa kuwa dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa maalmo kahor isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee dowladda geysay deegaanka Raaskanbooni, waxaana ciidan loo soo qaaday Muqdisho si tababar loogu celiyo looguna sameeyo diiwaangelin.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku kala fur furto ciidanka daacada u ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna dowladda u sameesay ballanqaadyo lacageed iyo derajo saraakiisha iyo ciidanka dhankooda usoo wareega.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khasaaraha dhimasho ee qaraxii Beirut oo sii kordhay & Dad badan oo weli la la’yahay

Caydiid Ali

Xil ka qaadis lagu sameeyay Dhame Cabduqaadir Maxamed Abuukar (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

(Sawirro) Kenya oo baadi goobeysa shan nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---